DAAWO SAWIRADA, Madax ka Socotay UN-ka Oo maanta Gaaray Caasimada Galmudug.

SHARE

Saraakiil ka kaa socotay UN-ka, Taliska Amisom, safaarada mareykanka,  safaarada Turkida iyo wakiilo kale ayaa goordhow garoonka dhuusamareeb kasoo dagay waxeyna ka qeyb gali doonaan gaban gabadda shirka amniga galmudug oo caasimada galmudug ee dhuusamareeb maalintii sadaxaad ka socda.

Saraakiishan ayaa waxaa garoonka kusoo dhoweeyey wakiilka dowlada fadaraalka u qaabilsan dhameystirka heshiiskii galmudug iyo ahlusuunna cabdi samad macalin maxamuud iyadoo loo soo galbiyey gudaha Magaalada Dhuusamareeb halkaa oo uu ka socdo shirki amniga galmudug oo looga hadlayo qodobo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin xoreynta deegaanada Alshabaab ay kaga sugan yihiin dalmudug  Iyo isku dhafka ciidamada.

Shirka socda  ayaa waxaa ka qeyb ka ah wasiirka amniga,wasiirka Arimaha gudahaa, Wasiirka Maaliyada , Saraakiisha ciidamada iyo xubno ka socda wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya , waxaa shir gudoominaya shirka amniga Galmudug Madaxa Xukuumada Sh-Maxamed Shaakir

Saraakiishan ayaa balan qaadey in xafiisyada ay ka socdaan ay si hagar la aan ah u taageeri doonaan galmudug si loo xoreeyo deegaanada ku jira gacanta Alshabaab