DHAGEYSO:-Xisad Dagaal Oo ka Taagan Deegaano Ka Tirsan Gobolka Mudug iyo Baaqyo ka Soo Baxaya..

SHARE

Wararka ka imaanaya Degaanka Towfiiq oo dhaca waqooyi bariaga ee Gobolka mudug ayaa sheegeya in maalmihii la soo dhaafay ay xiisad colaaded ka taagnayd degaankaasi.

Dadka degaanka ayaa Sheegey inay soo foog saartay Cabsi ay ka qabaan dagaal halkaasi ku dhex mara maleeshiyaadka dirirtu ka dhexayso kuwaas oo aan la garanayd sabaabta dhabtaa ee ka dambaysa xiisandaani.

Qaarka mid ah dadka degaanka oola hadlay warbaahinta galmudug ayaa sheegey in degmada dhexdeeda ay isku rasaaseeyeen maleeshiyaadka ay xiisadu u dhexayso isla markaana aysan jirin ka qasaare ka dhashay is rasaasayntaasi.

Dhanka kale Nabadoon Siciid Nuur Xirsi oo kamid ah waxgaradka degmada Towfiiq ee gobolka Mudug ayaa sheegay inay maalmihii lasoo dhaafay ay ku hawlganaayeen sidii looga shaqayn lahaa nabad galyada gobolka loona xoojin lahaa Amniga.

Nabadoonka ayaa sheegay in dhawaan uu dagaal ka dhacay degmada gudaheeda kaas oo u dhexeeyey labo maleyshiyo Beeleed dagaaalkaasi oo uusan ka dhalan wax khasaare Nafeed ah

Deganka Tawqiif waxa uu ka mid yahay deganada Hoos Taga Galmudug Balse Maamulka Puntand aysheegtaan waxan beesha dagta ay ku jiraan Maamulada Galmudug iyo Puntand labaduba.

Hoos ka Dhageyso Codka