Qaar Ka mid ah Wadooyinka Muhiimkaa ee Muqdisho oo la xiray.

SHARE

waxaa galabta ilaa caawa xiran qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho oo ay ciidamada Booliska ka Celinayaa Gaadiidka balse shacabka loo ogolyahay in ay ku lugeeyaan.

Wadooyinka xeran waxaa kamid ah Km4 ilaa Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho Dadka ayaana ah galabta ilaa caawa kuwo lugeynaya iyadoona hareeraha wadooyinka ay taaganyihiin ciidamada Amaanka ee Dowlada Somalia.

wali si rasmi ah looma oga sababta ka danbeysa xirnaanshaha wadooyinkaan ee Galabta ilaa caawa ah kuwo xiran waxaase wadooyinka in la xiro loo bartay xiliyada ay Magaalada ka dhacayaan shirar calami ah ama wafuud caalami ahi soo gaareyso.

Halkaan kala Soco Wixii warar ah ee Ku soo Kordha Insha allaah.

Galmudug Tv
Xafiiska Gaalkacyo
Galmudugtv1@gmail.com