Shirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug oo la soo gaba gabeeyay.

SHARE

Magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta waxaa lagu soo gabeeyay shirka Amniga degaanada Galmudug, kaasi oo socday muddo Saddex maalmood ah.

Shirkan ayaa intii uu socday waxaa ka qeyb galay Guddiga Amniga Galmudug, Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu hor kacayay Agaasimaha Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Wafdi ka socday UN-ka oo maanta gaaray magaladaasi.

Intii uu shirkan socday ayaa waxaa looga hadlay ammaanka degaanada Dowlad goboleedka Galmdudug, sidii Shabaab looga saari lahaa degaanada ay kaga harsan yihiin Galmudug iyo qodobo kale.

Madaxa Xukuumadda Dowlad Goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo warbaahinta la hadlay shirka kadib ayaa sheegay Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka in ay balan qaadeen sidii maamulka ay uga taageeri lahaayeen La Dagaalanka Shabaab.

“Waxaan leenahay aan garbaha is qabsano si cadowga uu dhexdeen uga baxo, oo Soomaaliya dhan xor u noqoto, shirkaan ujeedadiisa waxa weeye in amniga Galmudug la adkeeyo inta xorta ah, inta kale Shabaabka ay heystaana looga saari lahaa”. Ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Shirkan ayaa daba scoday shirkii Golaha Amniga Qaranka ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaasi oo 6-dii ilaa 10-kii bishan socday, ayna ka qeyb galeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada, oo ay ka soo saareen qodobo dhowr ah.

Goor dhow Filo Sawirada Iyo Qodobada laga soo Saaray insha allaah.

Galmudug Tv
Xafiiska Gaalkacyo
Galmudugtv1@gmail.com