DAAWO SAWIRADA:-Aaska Loo Sameeyey Marxuun Axmed Diriye iyo Madaxda Ka Qeyb gashay.

SHARE

Madaxda Dowlada Goboleedka Galmudug iyo Masuuliyiin ka socday Dowladda Soomaaliya ayaa maantay waxa ay ka qeyb galeen Aas qaran oo loo sameeyey Marxuun Nabadoon Axmed Diiriye Cali Afayeenkii Beelaha hawiye Kaas oo habeen ka hor ku dhintay Caasimada Dalka.

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf madaxa Xukuumada Galmudug Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug iyo sidoo kale Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye Xildhibaano iyo Masuuliiyin kale oo ka socday Dowladda Soomaaliya ayaa maantay degaanka Gidheys waxa ay kaga Qeyb galeen Aaska Marxuun Axmed Diiriye, halkaas oo ah meeshii uu ku dhashay isla markaana maantay meydkiisa lagu aasay.

Waxaana Salaad jinaasa lagu la tukaday halka lagu aasayey salaadaas oo bixiyey madaxa Xukuumada galmudug Sheikh maxamed Shaakir cali Xasan.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf ayaa U Duceeyey Isagoo ay ka muuqatay Tiraanyada Geerida.

halkaan ka daawo Sawirada Aaska.

 Galmudug Tv
Xafiiska Gaalkacyo
Galmudugtv1@gmail.com