DHAGEYSO:-Kulan looga Hadlayey Xasiloonida C/waaq Oo Ka dhacay Degmadaasi.

SHARE

kulankaan looga hadlayay ammaanka dagmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka Cabudwaaq Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Galmudug, Waxgarad, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay gudiga xasilinta ee degmada Caabudwaaq waxaana daah furay gudoomiyaha degmada Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi waxa uu xusay in Caabudwaaq ay tahay nabad dhowaana ay guda galidoonaan sidii loo sii wadi lahaa Dib uheshiisiinta qabaa’ilaadka inta badan dirirtu ku dhexmari jirtay degmadaas.

Qaar kamida bulshadii kulanka ka qeyb gashay ayaa waxay ka hadleen dadaalka loo soo galay sidii degmada Caabudwaaaq Nabad looga dhigi lahaa iyagoona codsaday in la sii xoojiyo nabada degmada waxayna sheegeen in dhalinyarada ay kaalin weyn ka qaateen nabadaasi.

Halkaan Ka Dhageyso Codadka.

Galmudug Tv
Xafiiska Gaalkacyo
Galmudugtv1@gmail.com