WAR CULUS:-Dhalinyaro Baasaboorka Somaliya ku samyen Jiray Hargeysa Oo Xabsiga loo taxaabay.

SHARE

Waxaa Maantay Xabsiga loo taxaabay Dhalinyaro magaalada hargeysa Ku sameyn jiray baasaboorka Soomaaliya.

Wararka naga Soo gaaraya Hargeysa ayaa sheegaya in tirada Dhalinyarada ay tahay Saddex ruux, isla markaana ay hadda ku xiran yihiin Saldhiga Kood-buur ee magaalada hargeysa.

Taliyaha laanta Socdaalka Soomaaliland ayaa horey u sheegey in ay dambi tahay in baasaboorka Soamaaliya lagu sameeyo magaalada hargeysa ee Xarunta Somaliland, Waxaana Dadka Ku nool maamulkaasi ay ka soo sameysan jireen baasaboorka Magaalada garoowe ee Xarunta maamulka Puntland.

Ilaa Hadda kama aysan hadlin maamulka Somaliland xariga Dhalinyarada maantay lagu xiray Hargeysa, waxaana jira warar sheegeya inay Dowladda Soomaaliya ay wax ka ogayd ragaan Dhalinyaradaa ee baasaboorka ku sameyn jiray Xarunta maamulkaasi.

Goor Dhow La soco Xog Xasaasi ah oo arintaasi La xariirta insha allaahi.

Galmudug Tv
Xafiiska Gaalkacyo
Galmudugtv1@gmail.com