DHAGEYSO:-Khudbadaha Soo Dhaweynta Madaxweyne Ku Xegeenka Galmudug Ee Gaalkacyo.

SHARE

Wafdigaan Oo Uu Hogaaminayay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Goboleedka Galmudug ayaa maanta Soo Gaaray Magaalada Gaalkcyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.

Waxaana Garooonka Diyaradaha Ee Oshaako Ku Soo dhaweyey Wasiiro Mamulka Degmada Gaalkcyo iyo qeybaha kala Duwan ee Bulshada Magaalada.

Madaxweyne Ku Xegeenka iyo Wafdigiisa ayaa ku Yimid Diyaarad Qaas Ah UN-ka ay leeyihiin, waxaana ay noqonaysa markii ugu Horeysay oo ay diyaarad UN ah Ay ka Soo Degto gagida Diyaaradaha Oshaako tan iyo markii la Furay Sanadkii 2013-kii daba yaaqadiisii.

Duqa Degmada Gaalkcyo Xirsi Yuusuf Barre ayaa ugu horeyn ka hadlay soo dhaweynta madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug.

Maxmed Xaashi cabdi Carbay Mdaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug oo Saxafadda kula hadlay Garoonka ayaa ka Warbixyay Socdaalkiisa maanta ee Gaalkcyo waxaana uu sheegay inta uu ku sugan yahay Gaalkacyo in uu Kulamo la qaadan doono Bulshada Gaalkcyo iyo Hay’addaha ka shaqeeya Arimaha Samafalka.

Halkaan Ka Dhageyso Codka Madaxda.

Galmudug Tv
Xafiiska Gaalkacyo
Galmudugtv1@gmail.com