Wafdi uu Hogaaaminayo Madaxweyne Ku xegeenka Galmudug oo Galkacyo Gaaaray

SHARE

Wafdi uu hogaaminayo madaxweyne ku xegeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey ayaa soo gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Socdaalka madaxweyne ku xegeenka ayaa u jeedkiisa waxaa lagu sheegey inay ka qeyb galayaa shir maalinta bari ah Gaalkacyo uga furmi doona Galmudug iyo Hay’adda Samafalka kaas oo looga jadli doono xaladaha bani adannimo ee ka jira degaanada galmudug.

Masuuliyiintaan ayaa inta ay ku sugan yihiin Magaalada Gaalkacyo waxa ay kulamo la qaadan doonan bulshada magaalada iyo maamulada gobolka iyo kan degmada Gaalkacyo.