Dhageyso:-Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo Gaalkacyo Ku Soo Xiray Shir Loga Hadlayey Arimaha Samafalka Degaanada Galmudug.

SHARE

Kulankaan oo U Dhexeeyey Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Madax Ka Socotay Hay’adda WFP ayaa maantay Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo Kaas oo Diirada lagu Saarayey Sidii Hay’adaha Samafalka ay uga Qeyb Qaadan lahaayeen Samata Bixinta Dhibaatooyinka Ka jira Degaanada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Kulankaan oo Qaatay Saacado badan ayaa waxaa qorshayaasha ay Galmudug doonayso in laga Caawiyo waxaa Soo Bandhigay wasaaradaha Galmudug Ee Shirkaan Goob Jooga ka ahaa Waxaana Sidii kale laysla Eegay Qorshaha Hay’adda WFP ay rabto inay Ka fuliso Degaanada Galmudug Inta U dhexeysa 2019 ilaa 2020-ka.

Falan Qeyb Ka dib waxaa Madaxdii Shirkaan Ka Qeyb Gashay Ay iswaafajiyeen Ajandayaasha Ay Kaga Faaidaysan Lahaayeen Dadka Shacabka Ee Degaanada Galmudug.

Markii Uu Shirku Soo Gaban Gaboobay Ayaa waxaa Saxaafada La hadlay Madaxweyne Ku Xegeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey isagoona ka war bixiyey waxyaabaha ay isla Meel Dhigeen Masuuliyiinta ka Socday WFP.

Madaxweyne Ku Xegeenka Galmudug ayaa sheegey inay isku raaceen Madaxda Hay’adaha ladagaalan gaajada iyo macluusha ay sababaan abaaraha ka dhaca degaanada Galmudug.

Sidii Calaf loogu Samyen lahaa xoolaha ay Dhaqdaan Dadka Galmudug si ay uga Baaqsadaan inay u Dhintaan Gaajo.

Maxamed Xaashi Madaxweyne Ku xegeenka Galmudug ayaa Xusey In Qodobada ay Ku Heshiiyeen Hay’adda WFP in la Dhamays tiri Doono Bisha Soo Socota waqtigaas oo loo Balansan yahay Shir Weyne Intaan Ka Balaaran.

Galmudug Tv
Xafiiska Gaalkacyo
Galmudugtv1@gmail.com