SAWIRO:-Wasiirada Amniga & Gaashaandhiga oo su’aalo laga weydiiyay weerarkii ka dhacay Muqdisho.

SHARE

Guddiyadda Difaaca iyo Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa Galabta Muqdisho kulan Su’aalo weeydiin ah wax ay kula yeesheen Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxa uu ku saabsanaa Su’aalo weeydiinta xaalada amni ee dalka kadib weerarkii Jimcii ka dhacay madaxtooyada soomaaliya in kastoo Ciidamada Amniga Soomaaliya ay ka hortageen.

Gudoomiyaha Guddiga Difaaca Golaha Shacabka Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in kulankii Galabta ay Su’aalo ku weeydiiyeen Wasiirka Gaashaandhigga taliyayaasha Ciidamada iyo Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka kadib markii uu cudur daartay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.

Xuseen Carab Ciise Waxa uu sheegay in ay Wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyayaashii kale ay wax ka weeydiiyeen qabdhismeedka Ciidamada. Howlgallada, Tirada ciidamada Mushaaraadkooda Hantida ay leeyihiin Ciidamada iyo sidoo kale Ciidamada Ajnabiga ah ee ka howlgalla dalka.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay sidoo kale markii ay kulan kale oo su’aalo weeydiin ah ay weeydiin doonaan Wasaaradda amniga isla markaana qodobadii ka soo baxa ay u gudbin doonaan Baarlamaanka Soomaaliya markii uu furmo kulankooda.

Galmudug Tv
Xafiiska Gaalkacyo
Galmudugtv1@gmail.com