Daawo:-Hooyo Soomaaliyeed Oo Ka Cabanaysa Dhul Ay leedahay Oo Uu Doonayo In Si Xoog Ah Uu Uga Qaato Gudoomiyihii Hore Ee Bobolka Banaadir Cade Muuse’Baaqna Udirtay Dowladda Soomaaliya

SHARE

Maryay cabdule maxamed  waa hooyo soomaaliyeed oo mudo dhowr iyo afartan sano ah dalka ka maqneed isla markaan dhawaan dalka dib ugu soo laabatay’  Maamo maryayn Cabdulle  oo  maaanta warbaahinta kula hadashay deegaanka ceelasha biyaha ee gobolka shabeellada hoose ayaa sheegtay in dhul ay Deegaankaasi ku leedahay  uu doonayo in uu si xoog ah uga qaato gudoomiyihii hore ee gobolka banaadi cade gaabow.

Maamada oo si dareen ku dheehanyahay ula hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in dhulkaan oo ku yaala dheegaanka ceelasha biyaha ay u heysato dukimiintiyo sharci ah oo ay u samaysay dowladii dhaxe ee soomaaliya ee Uu Madaxweynaha ka ahaa jaale maxamed siyaad bare’Waxay sidoo kale sheegtay in maxkamadda degmadda afgooye ay si sharci daro ugu xugmisay dulaasi;

Hooyo Maryan cabdulle maxamed ayaa dowladda fadaraalka soomaaliya iyo maamulka koonfur galbeed ugu baaqday in ay wax ka qabtaan cadaalad darada ay ku samaysay maxkamadda degmadda afgooye ee maamulka koonfur galbeed.

Dhanaca kale Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka deegaanka ceelasha biyaha iyo dadkii goob jooga u ahaa marxaladihii kala duwanaa ee uu dulkaasi soo maray oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegaya in ay marqaati ka yihiin in dhulkasi ay leedahay  maryan cabdulle maxamed waxana wax lala yaabo ku tilmaameen sheegashadda gudoomihii hore ee gobolka banaadir cade gaabow uu dhulkaasi ku sheegtay waxayna dowladda fadaraalka soomaaliya iyo Maamulka koonfur galbeed ugu baaqay in ay wax ka qabtaan cadaalad daro ay sheegeen ay samaysay maxkamadda degmada afgooye ee gobolka shabeelada hoose

Hoos ka daawo muuqaalka