SAWIRO:-Madaxweynaha Xaaf oo Maantay Si weyn loogu Soo Dhaweeyey Caasimada Galmudug.

SHARE

Madaxweynaha dowlada Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa goor dhow soo gaaray Magaalada dhuusamareeb oo caasimad u ah Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Xaaf waxaa garoonka ku soo dhaweeyey madaxa xukuumada Galmudug sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan, saraakiil sarsare oo ciidamada ka socday iyo kumanaan dadweyne ah.

Madaxweyne xaaf ayaa ujeedka imaatinkiisa ku sheegey taabo galinta maamul iyo kala dambeyn loo dhan yahay kaas oo ah mid wax ka badali karta deeganada Galmudug.

Heshiiska ay gaareen Galmudug iyo maamulkii halkaas ka jiray ayaa wax badan ka badaley sawirka guud ee jiritaanka galmudug waxayna u muuqataa qorax arooryaad oo soo if baxday.

Madaxweyne xaaf ayaa balan qaadey in uu joogayo magaalada Dhuusamareeb ayna yaraan doonaan safaradiisa ama maqnaantiisa, Isagoo intaa raaciyey in la bilaabayo dhamaan mashaariicdii madaxweynuhu dhagax dhigey.

Galmudug Tv
Xafiiska Gaalkacyo
Galmudugtv1@gmail.com