Wafdi Uu Horkacayo Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo Hobyo ku sii jeeda iyo qaban qaabo soo dhaweyn oo ka socota degmadasi.

SHARE

Wafdi uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey ayaa ku sii jeeda magaalo xebeedka Hobyo, halkaas oo kormeer ku sameyn doono xaaladaha dadka reer Hobyo ay ku sugan yihiin iyo sidoo kale hormarada uu sameeyey maamulka degmadaasi.

Wafdigaan ayaa sidoo kale waxa ay sii istaagi doonan dhamaan deegaanada ka sokeeya ee safarkooda ay ku sii marayaan iyaga oo qiimayn doona xaaladaha dadka ku nool inta u dhexay Gaalkacyo iyo Hobyo.

Madaxweyne ku xigeenka iyo wafdigiisa ayaa xalay ki hoyday degmada Ceelguula halkaas oo kulamo kula qaatay maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada isla markaana looga wada hadlayey arimaha ka jira degaanada hoos yimaada degmadaasi, Waxaana uu saakey kaga amba baxay dhinaca magaalada Hobyo.

Shalay ayey ahayd markii uu madacweyne ku xigenka Dowlad Goboleedka Galmudug uu xiray hal maalin uga socday Galmudug iyo hay,adda WFP kaas oo looga hadlayey sidii loo caawin lahaa dadka ay abaaruhu sameeyeen iyo qorshayaal kale oo muhiima.

Galmudug Tv
Xafiiska Gaalkacyo
Galmudugtv1@gmail.com