Home WARARKA DHAGEYSO:-Maamulka Hirshabeelle Oo Sheegey Inay Al-shabaab Qaati Ka Taagan yihiin.

DHAGEYSO:-Maamulka Hirshabeelle Oo Sheegey Inay Al-shabaab Qaati Ka Taagan yihiin.

21
0

Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Sheekh Cusmaaan barre Maxamed ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu Baaqay in maamulka Hirshabeelle kala shaqeyso sidii loo sugi lahaa amaanka guud ee Degaanada Maamulkaasi.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab mudooyinkii dambe ay dhibaatooyin ka Wadeen inta u dhaxeysa wadooyinka Magaalooyinka Balcad iyo Jowhar sidoo kale wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in wadooyinkaas bilooyin ka hor si amni ah ay xildhibaanada iyo madaxda Hirshabeelle balse hada ay ka jiraan qataro amni iyo weeraro iyo qaraxyo Al-Shabaab ay ka geystaan.

Waxa uu dowladda dhexe ka codsaday in si dhaqso ah ay Hirshabeelle kaga caawiyaan la dagaalka Al-Shabaab iyo sugidda amniga degaanada Hirshabeelle.

Al-Shabaab ayaa mudooyinkii dambe xoojiyay weerarada ay ka geysanayaan degaanada Hirshabeelle, waxaana labadii todobaad ee la soo dhafay weerar ay ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay ku leeyihin Hirshabeelle.

Galmudug Tv
Xafiiska Gaalkacyo
Galmudugtv1@gmail.com

FADLAN ARAGTIDAADA HALKAAN NOOGU REEB.

[contact-form][contact-field label=”Name” type=”name” required=”true” /][contact-field label=”Email” type=”email” required=”true” /][contact-field label=”Website” type=”url” /][contact-field label=”Message” type=”textarea” /][/contact-form]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here