Home WARARKA DHAGEYSO:-Madaxweyne Xaaf Oo ka Hadlay Shakiga Reer Cadaado Baaqna u Diray Shacabkaasi.

DHAGEYSO:-Madaxweyne Xaaf Oo ka Hadlay Shakiga Reer Cadaado Baaqna u Diray Shacabkaasi.

10
0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf Ayaa Markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay tabashada ay qabaan odoyaasha reer cadaado taas oo ay Shaki ka muujiyeen kulamada ka socda caasimada Galmudug Dhusmareeb isla markaana ay ka qeyb galayaan Baarlamaanka Galmudug oo xaruntoodu tahay Cadaado.

Madaxweyne Xaaf ayaa Sheegey in heshiiskii Galmudug iyo Ahlu sunna ee jabuuti uu qeexayey in Magaalada Dhusmareeb lagu Dhamaystiro Heshiiskaasi isla markaana laysku dhafo baarlamaanada iyo Dastuurka labada Dhinac, isagoona madaxweynaha uu intaasi raaciyey in Magaalada Cadaado ay imaan doonan marka la soo gaban gabeeyo howsha isku dhafka baarlamaanada iyo dastuurka isla markaana Baarlamaanka iyo Qeyb ka mid ah Dowladda wasaaradeheeda ay ku shaqeyn doonan Magaalada cadaado.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf ayaa ugu dambeyntii waxa uu baaq u diray bulshada Rer cadaado isgoona sheegey in dad dano gaara wataa ay ka dhex faaidaysanayaan Dowladda iyo Dadka Shacabka isla markaana Dadka looga baahan yahay inay isda jiyaan.

Halkaan Ka Dhageyso Codka madaxweynaha

Galmudug Tv
Xafiiska Gaalkacyo
Galmudugtv1@gmail.com

FADLAN ARAGTIDAADA HALKAAN NOOGU REEB.

[contact-form][contact-field label=”Name” type=”name” required=”true” /][contact-field label=”Email” type=”email” required=”true” /][contact-field label=”Website” type=”url” /][contact-field label=”Message” type=”textarea” /][/contact-form]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here