Home WARARKA Sawirro:-Ciidamadda Xooga Oo Soo Bandhigay Hub iyo Gaadiid Ay Ka Furteen Alshabaab

Sawirro:-Ciidamadda Xooga Oo Soo Bandhigay Hub iyo Gaadiid Ay Ka Furteen Alshabaab

8
0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxa ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan,iyada oo saraakiisha howlgalkaas hogaamineysa ay sheegeen in ay guulo waaweyn ka gaareen.

Howlgalka ayaa Ciidamada dowladda waxaa ku wehlinayay kuwa Itoobiya oo qeybta ka ah AMISOM,waxana Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ay sheegeen in ay Al-Shabaab kala wareegeen hub iyo Gaadiid intaba.

Taliyaha Guutada 10aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan Faarax Cali Waasuge oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaal dhexmaray iyaga iyo Al-Shabaab ay uga furteen hub iyo Gaadiid,sidoo kalena ay kala wareegeen deegaano ay horay ugu sugnaayeen.

Waxa uu sheegay taliyaha in sidoo kale in howlgalku uusan ahaan doonin mid joogsado,isla markaana dhmmaan deegaanada gobolka Hiiraan ay kaga sugan yihin Al-Shabaab ay ka saari doonaan.

hoos ka daawo sawirrada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here