Home WARARKA DEG DEG:-Ciidamda AMISOM Oo kulan la Qaatay Gudoomiye Jawaari iyo Balan Qaad...

DEG DEG:-Ciidamda AMISOM Oo kulan la Qaatay Gudoomiye Jawaari iyo Balan Qaad ay la galeen.

15
0

Ciidano katirsan AMISOM uu horkacayo taliyaha ciidankaasi Paul Lokech ayaa goordhaw xarunta Golaha shacabka ugu tagay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari iyo kuxigeenkiisa 2-aad.

Gudoomiye Jawaari ayaa saakay tagay xarunta golaha shacabka oo la filayay in uu ka dhaco kulan Baarlamaanka lagu horgeenayo mooshinka laga gudbiyay iyo kulan looga hadli lahaa In looga doodo arinta Balad xaawo iyo Xad gudubka kenya.

Ciidamo hubeesan oo la socda Gudoomiye Jawaari iyo kuxigeenkiisa labaad ayaa la sheegay in saakay xoog ku galeen xarunta golaha shacabka, waxa ayna ciidanka abuureen xiisad sababtay in shirka Baarlamaanka baaqdo.

Gudoomiye Jawaari iyo kuxigeenkiisa oo saacado badan ku sugnaa xarunta golaha shacabka ayaa ugu dambeyn waxaa goobtaasi ka kaxeeyay ciidamo katirsan AMISOM oo amaankiisa si gaar ah u ilaalinayay.

Xarunta Villa Hargeysa uu degan yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa uu halkaasi kula kulmay Taliyaha ciidamada AMISOM Paul Lokech, waxa uuna Jawaari ka codsaday taliya in amaankiisa la adkeeyo.

Taliyaha ciidamada AMISOM Paul Lokech ayaa xarunta Villa Hargeysa ka sheegay in waajibaadkooda shaqo ay qeyb ka tahay ilaalinta amaanka Gudoomiyaha Baralamaanka Soomaaliya maadaama uu wali xilka hayo.

Gudoomiye Jawaari ayaa la filayaa in goordhaw shir jaraa’id ku qabto xarunta Villa Hargeysa kana hadlo kulankii Baarlamaanka ee maanta baaqday, waxaa sidoo kale la filayaa in eedeyn u jeediyo Madaxda dowlada iyo taliyaasha laamaha amaanka.

Galmudug Tv
Xafiiska Gaalkacyo
Galmudugtv1@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here