Home WARARKA AKHRISO:-Jawaari Oo War ka Soo Saaray Qaraxyadii maantay ka Dhacay Muqdisho kuna...

AKHRISO:-Jawaari Oo War ka Soo Saaray Qaraxyadii maantay ka Dhacay Muqdisho kuna Eedeyey Xukuumada.

5
0

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa Ka Hadlay Qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka, Kuwaas oo muddo labo saac gudohood ay dheceen labo qarax oo waa weyn isla markaana loo adeegsaday Gawaari laga soo Buuxiyey Waxyaabaha Qarax.

Gudoomiye Jawaari ayaa ugu Horeyn waxaa uu tacsi U diray Dadkii Ku waxyeeloobay qaraxyadaasi isagoona dhanka kale Ilaahay uga Baryay inuu caafiyo intii ku Dhaawacatay.

Jawaari ayaa ku eedeeyey Xukuumada Inay ka gaabisay Sugida Amniga Shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay ku mashquulsan tahay Mooshin iyo Khilaaf laga Dhex abuuray Hay’adaha Dowladda, Isagoona Sheegey in Dowlada Ay ciidamadii logu talagay inay Inay Ilaaliyaan Amaanka Shacabaka ay kaga Faa’idaysanayso Burburinta hay’adda Sharci dajinta.

Gudoomiye Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa ugu dambeyn waxaa uu u soo jeediyey Shacabka Soomaaliyeed inay Ilaahay U laabtaan Isla Markaana, xaalada ay tahay mid aad xun oo ay soo wajahayso xaalad adag oo aan sahlanayn.

Haddaba Halkaan Ka Akhriso Warka Qoraalka Ah ee Uu bartiisa facebook-ga Soo Dhigay Gudoomiye Jawaari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here