Home WARARKA DEG DEG+SAWIRO:-Wasiirkii Gaashaandhigga Dowaladda FS Oo Is Casilay Ka Dib Markii……

DEG DEG+SAWIRO:-Wasiirkii Gaashaandhigga Dowaladda FS Oo Is Casilay Ka Dib Markii……

19
0

Wasiirkii Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Maanta iska casilay xilkii Wasiirnimo isaga oo isku soo sharaxay xilka guddoomiyaha Golaah Shacabka Soomaaliya.

Wasiir Mursal oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Warqada istiqaalada waxa uu u gidbiyey Guddiga doorashada gudoomiyaha oo uu hogaamiye Nuur Iidow Beyle,waxana isla Maanta uu qaatay Shahaadada mushaarxnimo ee guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Mursal Sheekh Cabduraxmaan ayaa haayay mid ka mid ah xilalka ugu waaweyn ee golaha Wasiirada balse uu Maanta xilkaasi iska casilay,waxana sidoo kale shalay is casilay Wasiir dowle iyo Wasiir ku xigeen kuwaas oo ka mid noqday musharixiinta xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Halkaan Ka Daawo Sawirrada.

Galmudug Tv
Xafiiska Gaalkacyo
Galmudugtv1@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here