Home WARARKA DEG DEG:-Madaxweyne Xaaf iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Berri Ku Sii Jeeda Magaalada...

DEG DEG:-Madaxweyne Xaaf iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Berri Ku Sii Jeeda Magaalada Hobyo.

26
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf Ayaa Galabtay gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Isagoona maalinka Berri ah uu ku wajahan yahay Magaalada Hobyo Wafdi uu Hagaaminayo oo uu ka mid yahay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre kuwaas oo ka Qeyb Gali Doona Xafladda Daah furka wadada Hobyo.

Sidoo kale wafdigaan ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka soo raaci doona Xildhibaano iyo wasiiro ka kala Tirsan Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana Si weyn Caawa loo Adkeeyey Ammaanka Magaalada Hobyo marti galinaysa Shacab, Aqoon yahano, Qurba joog ka kala Timid Dunida Dacaladeeda Iyo madaxda Dalka oo Berri La Sugayo.

Bishii Janaayo ayey ahayd markii uu madaxweynaha Dalka Maxamed C/laahi Farmaajo uu ka dhagax dhigay Dekedda ay yeelanayso magaladaasi taas oo uu hadda Socdo qorshaha lagu dhisayo.

Galmudug Tv
Xafiiska Gaalkacyo
Galmudugtv1@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here