Home WARARKA DHAGEYSO:-Dhalinyaro Alshabaab Ka Soo Goostay Oo Cabasho Xoogan Ka muujiyey Arin Uu...

DHAGEYSO:-Dhalinyaro Alshabaab Ka Soo Goostay Oo Cabasho Xoogan Ka muujiyey Arin Uu Kula Ka Cay Maamulka K/Galbeed.

19
0

Rag horey uga Tirsanaa kooxda Alshabaab isla markaana isku soo dhiibay maamulka Koonfur Galbeed Sanadkii tagay ee 2017 ayaa sheegey in aan loola dhaqmin sidii ay ka filayeen maamulkaasi iyo dowladda Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in maamulka Koonfur Galbeed ay hubkoodii ay ka dheceen isla markaana ay muddo ay gacanta ku hayeen ka dib ay magaalada ku fasaxeen, taasna ay cabsi ka qabaan inay waxyeelo u gaystaan kooxdii ay ka soo goosteen.

Raggaan oo Wareysi Siiyey Warbaahinta galmudug ayaa Dowladda Soomaaliya Iyo Shacabka ay ka dalbadeen in arintooda wax laga qabto isla markaana loo sameeyo daryeel wanaagsan, waxaana ay intaasi ku Dareen inay Hubkoodii ay wateen markii ay alshabaab ka soo goosteen loo soo celiyo ama loo lacageeyo.

Dhalinyaradaan oo hadda Ku Sugan Magaalada baydhabo Ee Xarunta Gobolka ayaa xuseyn in kooxda Alshabaab Ay saacad Waliba Soo wacaan iyagoo U sheegeya in ay Dili Doonaan, taasna ay baqdin Ku abuurtay.

Halkaan Ka Dhageyso Wareysiga Raggaas Uu La Yeeshay Wariyaheen Maxamed Silver.

Galmudug Tv
Xafiiska Gaalkacyo
Galmudugtv1@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here