Home WARARKA WAR FARXAD LEH:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Barri Ku Wajahan Magaalada Hobyo.

WAR FARXAD LEH:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Barri Ku Wajahan Magaalada Hobyo.

10
0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa markii ugu horeysay Maalinta berrito ah waxaa lagu wadaa in uu tago Magalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbaahinta Galmudug u xaiijiyeen in Maalinta Berri ah uu Tagayo Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehlinayaan Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliya.

Xasan Cali kheyre ayaa ujeedka safarkiisa ee Hobyo waxaa lagu sheegay in uu ka qeyb galayo Munaasabado xariga looga jarayo mashaariic kala duwan oo laga hirgelinayo Magalada Hobyo oo ay Wadooyin ku jiraan, Iyo barnaamijka Isku Tashi ee Ay Hormuudka u yihiin Gudiga Gob Kuwaas oo Isku Xilqaamay Dhismaha wadada Isku Xirta Gaalkacyo iyo Hobyo Taas oo wajigeedi Koobaad laga guulaystay.

Caawa ayaa lagu soo waramayaa in Magalada Hobyo laga dareemayo diyaar garow ku aadan soo dhaweyenta Berri ee Ra’iisul Wasaare Xaan Cali Kheyre.

Galmudug Tv
Xafiiska Gaalkacyo
Galmudugtv1@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here