Home WARARKA DEG DEG:-Dil Toogasho ah Oo Goordhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

DEG DEG:-Dil Toogasho ah Oo Goordhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

11
0
Hon Mohamed Silva

War goordhow naga Soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in degmada Shibis ee Gobolka Banaadir lagu dilay askari la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in ay meel aan ka fogeyn xarunta degamda Shibis ku dileyn askari ka tirsanaa ciidamada booliska Soomaaliya,iyaga oo goobta ka baxsaday dilka kadib.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in askariga la dilay aad looga yaqaanay degmada Shibis kaas oo Magaciisa lagu soo gaabiyey Qataatoow’

Askariga ayaa xilliga la dilayey waxa uu saarnaa gaari,balse la sheegay in raga hubeysnaa markii ay toogteen kadib ay qaateen qori uu watey.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa goobta gaaray kuwaas oo goobta ka qaaday meydka askariga.

Galmudug Tv
Xafiiska Gaalkacyo
Galmudugtv1@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here