Home WARARKA Xog:-Madaxda DFS iyo Maamul goboleedyada oo todobaadka soo socda shir yeelanaya.

Xog:-Madaxda DFS iyo Maamul goboleedyada oo todobaadka soo socda shir yeelanaya.

26
0

Warar hoose oo aan helayno ayaa waxa ay sheegayaan in todobaadka soo socda la filayaa inuu magaalada Baydhabo ka dhaco Shirka Golaha Amniga Qaranka ee Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Sidoo kale Shirkan ayaa dhowr jeer oo hore u baaqday arrimo kala duwan, iyadoo shirkii February ka dhacay Muqdisho lagu go’aamiyay inuu Baydhabo ka dhaco dhamaadkii bishii March, balse uu u baaqday khilaafkii Baarlamaanka Federaalka.
Inkastoo Madaxda Maamul goboleedyada qaar ayaa la sheegay inay dalbadeen in qabsoomida shirka aan laga weecin Baydhabo, iyadoo uu jiray qorshe ah in Muqdisho isugu yimaadaan.

Wararka ayaa laga helay Ilo wareedyo kala duwan ayaa xaqiijinaya in shirka Baydhabo looga hadli doono arrimo badan oo ku aadan siyaasadda, ammaanka iyo nooca doorasho ee dalka ka dhici doona sanadka 2020.

Sikastaba ha noqotee Shirka Golaha Amniga Qaranka ee lagu wado in todobaadka soo socda uu ka furmo Baydhabo ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu jiro mad madow siyaasadeed oo u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo dhowaan shir ku yeeshay baydhabo, kaasoo ay ka soo saareen war murtiyeed ay dhaliilo badan ugu jeediyeen dowladda Federaalka.

Galmudug Tv
Xafiiska Gaalkacyo
Galmudugtv1@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here