Home WARARKA DHAGEYSO:-Taliye Ku xigeenka Booliska Galmudug Oo Faahfaahin ka Bixiyey Howlgalo Gaalkacyo laga...

DHAGEYSO:-Taliye Ku xigeenka Booliska Galmudug Oo Faahfaahin ka Bixiyey Howlgalo Gaalkacyo laga Sameeyey.

33
0

Taliye Ku xegeenka Ciidamada Booliska Galmudug G/sare Cabdi jaamac Cabdulle Xabeeb Oo wareysi Siiyey galmudug Tv ayaa ka warbixiyey Howlgalo ay ciidamda isku dhafkaa ee Gobolka Mudug oo Kaashanaya Booliska Galmudug iyo Puntland ay ka wadaan magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Howlgaladaana ayaa looga gol leeyahay Sidii loo xaqiijin lahaa Amniga Gobolka isla markaana shacabka Walaalaha ah ee ku wada nool ay nabad ugu naaloon lahaayeen.

Taliye Ku xegeenka ayaa sheegey Inay Ciidamadu gacanta ku soo dhigeen dad lala xariirinayo falal amniga lidi ku ah Kuwaas oo hadda Ciidamadu ay gacanta ku hayaan isla markaana ay maxkamad la soo taagi doono.

Taliye Xabeeb shacabka reer Gaalkacyo Uga Mahad celiyey sida ay u garab taagan yihiin ciidamada Ammaanka waxaana uuna ugu baaqay inay sii laba jibaaraan wada shaqeynta ka dhaxaysa ciidamada iyo Shacabka.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa soo hagaagay Amnigeeda iyo kala Dambeynta tan iyo markii loo sameeyey Ciidamada isku Dhafkaa kuwaas oo loogu tala galay inay ciidamada Maamulada Garab siiyaan Howlgalada labada dhan laga sameynayo.

Galmudug Tv
Xafiiska Gaalkacyo
Galmudugtv1@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here