Madaxweyne Farmaajo oo lagu eedeeyay inuu faragelin ku hayo Doorashada K/Galbeed.

SHARE

Qaar ka tirsan xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka soomaaliya ee laga soo doortay deegaanada koonfur galbeed soomaaliya ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Maxamed Cabduulllahi Farmaajo inuu faragelin xooggan uu ku hayo doorashada koonfur galbeed soomaaliya ee la doonayo inay dhacdo bisha soo socota.
Xildhibaanada qaar ayaa sheegay in magaalada Baydhabo la geeyay lacago fara badan, kuwaasi oo la doonayo in lagu maroorsado doorashada dhici doonta sida ay hadalka u dhigeen.
Cabdalla Xuseen Cali oo ka tirsan xildhibaanda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Magaalada Baydhabo ay la ciir ciireyso lacago fara badan oo lagu daad gureeyay, kuwaasi oo tiradooda ku sheegay 3 milion $.
Lacagtan ayuu ku tilmaamay inuu dhiibay madaxweyne farmaajo arintaanna uu ku muteysan doono in dib u eegis lagu sameeyo xilkiisa.
Xildhibaan Aamino Xasan Cali mar ay hadashay ayay sheegtay in magaalada Baydhabo ay qarka u saaran tahay inuu ka dhaco dagaal u dhaxeeya qabaa’il, maadaama ay ku kala ragti duwanaadeen doorashada dhici doonta 17 bisha November ee soo socota, hayeeshee masuuliyadda arintan ay yeelan doonto madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya.