Duqeyn ka dhacday Hiiraan.

SHARE

Duqayn Xalay ka dhacday degaanka Ceel-Dheer oo qiyaastii 60 KM dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Baladweyne ayaa lagu dilay saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsanaa Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa Shacabka u diiday inay ka baxaan goobta ay duqeynta ka dhacday.
Degaanka Ceel-dheer ayaa waxaa Maalmahan kulamo ku lahaa qaar ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab.
Degaankaan Ceel-Dheer ayaa ah halka ay Al-Shabaab gaystaan Xoolaha ay ka dhacaan Dadka Shacabka ah ee ku nool Gobalka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya