Lix ruux oo la socday gaari yar oo lagu dilay deegaanka Xaawo Cabdi ee Gobolka Shabellaha hoose

SHARE

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Xaawo Cabdi ee Gobolka Shabellaha hoose, dabley hubaysan ayaa goor dhaw halkaasi waxa ay ku dileen Odayaal.
Odayaashan ayaa waxa ay la socdeen gaari yar oo nooca raaxada ah oo ka soo ambabaxay Magaalada Afgooye kuna soo socday Muqdisho, balse waxaa lagu hakiyay nawaaxiga deegaanka Xaawo Cabdi ee Gobolka Shabellaha hoose.
Rag hubaysan ayaa joojiyay gaarigii ay la socdeen odayaashaan, kadibna waxa ay ka soo dajiyeen Baabuurkii oo ay mid mid u toogteen lix  Oday oo gaariga la socday.
Raggii hubaysnaa ee dilkaasi gaystay ayaa ka baxsaday goobta ay ku dileen Odayaashan, waxayna wararka sheegayaan in dhacdadan ay la xiriirto fal aano qabiil.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay aad uga naxeen falka sida arxandarada ah loogu laayay dadkaasi shacabka ah, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Federalka SomaliyaSida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Xaawo Cabdi ee Gobolka Shabellaha hoose, dabley hubaysan ayaa goor dhaw halkaasi waxa ay ku dileen Odayaal.
Odayaashan ayaa waxa ay la socdeen gaari yar oo nooca raaxada ah oo ka soo ambabaxay Magaalada Afgooye kuna soo socday Muqdisho, balse waxaa lagu hakiyay nawaaxiga deegaanka Xaawo Cabdi ee Gobolka Shabellaha hoose.
Rag hubaysan ayaa joojiyay gaarigii ay la socdeen odayaashaan, kadibna waxa ay ka soo dajiyeen Baabuurkii oo ay mid mid u toogteen lix Oday oo gaariga la socday.
Raggii hubaysnaa ee dilkaasi gaystay ayaa ka baxsaday goobta ay ku dileen Odayaashan, waxayna wararka sheegayaan in dhacdadan ay la xiriirto fal aano qabiil.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay aad uga naxeen falka sida arxandarada ah loogu laayay dadkaasi shacabka ah, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Somaliya