MAREYKANKA OO BEENIYAY IN UU TAAGEERAYO MUSHARRAX KA MID AH KOOFUR GALBEED

SHARE

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in aysan jirin musharrax ay taageersantahay oo ka qeybgelaya doorashada Madaxtinimada ee ka dhaceysa degaannadaas bartamaha bisha soo socota.
Qoraal lagu daabacay Bogga Twitter-ka ee howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu soo dhaweynayo sameynta Guddiga doorashada Madaxtinimada Koofur Galbeed.
Sidoo kale Qoraalka ayaa loogu baaqay Reer Koofur Galbeed in ay qabtaan doorasho waqtigeeda ku dhacda oo aan dib loo dhigin.
Waxaa intaas uu ku daray howgalka Mareykanka ee Soomaliya in doorashada 17ka November ka dhaceysa Baydhaba ay noqoto mid xor iyo xalaal ah oo ka madaxbanaan qalalaase iyo khilaaf siyaasadeed.
Qoraalka ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu yiri ‘waxaan taageersannnahay hanaanka doorashada ee ma jiro musharrax gaar ah oo aan taageereyno’.
Musharrixiinta ka qeybgalaya doorashada Koofur Galbeed waxaa ka mid ah Mukhtaar Roobow Cali oo uu Mareykanka hadda ka hor madaxiisa dul dhigay $5Milyan oo doollarka Mareykanka inkasta oo markii dambe laga saaray liiska Argagixisada,haddana waxaa jira xayiraado caalami ah oo saaran.