Mareykanka oo ku cadaadinaya sacuudiga in uu soo celiyo xiriirkii uu la lahaa Qatar

SHARE

Dowlada Mareykanka ayaa kordhisay cadaadiska ay ku heyso sacuudiga,kaasi oo ku aadan sidii loo soo celin lahaa xiriirka Diblumaasi oo dalkaasi la lahaa wadanka Qatar.
Sacuudiga oo mudo sanad ka hor xiriirka u jaray wadanka yar ee carbeed oo daris wadaaga ay yihiin ayaa baaqa loo jeediyay waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo wadamada caalamka uu kala kulmayo eedeyn ku aadan dilkii Jamal Khashoggi.
Saraakiil aan magacooda xusin oo la hadlay warbaahinta Bloomberg,ayaa sheegay in Mareykanka uu aaminsan yahay in la xalin doono cunaqabateynta dhanka dhaqaalaha iyo qilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan labadan dal ee daris wadaaga ah.
Xukuumada washington ayaa walaac ka muujisay hadii uu sii socdo qilaafka in saameyn amni ay ka dhalan karto’tiiyo ay jirto in ciidaamada badan ay ka joogaan wadamada Khaliijka.
Dalalka Sacuudiga Imaaraadka Baxreyn iyo Masar ayaa xiriirkii ay la lahaayeen wadanka Qatar Jaray,bishii July ee sanadkii 22017-dii kadib markii ay ku eedeyeen in aay taageerto kooxaha Argagixisada.
Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo boqor Mohammed bin Salman uu la kulmayo cadaadis caalami ah,kaasi oo ku aadan ku lug lahaan shiyaha dil magaalada Istanbul loogu geystay Wariye Jamal Khashoggi.