Puntland Oo Qabatay Askar Dil Ka Geysatay Garoowe

SHARE

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska maamulkaasi ay gacanta ku soo dhigeen Askar xalay dil ugu geystay magaladaasi, wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Allaha Unaxariistee Yaxye Cabdirisaaq Xaaji.
Wiilkan ayaa ka mid ahaa Ardayda Jaamacadaha ee wax ka barata gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Marxuumka ayaa la sheegay in ka hor inta aan la dilin isaga iyo Gabar la socotay ay Moobeelada ka qaateen labadaasi Askari oo ka tirsan Ciidanka Puntland.
Taliyaha Ciidamada Booliska ee maamulkaasi Muxyadiin Axmed Muuse (Muxyadiin Gacmey) oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay 2-da Askari ee lagu eedeynauo dilkaasi.
Muxyadiin Gacmey ayaa xusay in cadaalada la horkeeni doonto Askartaasi, si looga qaado tallaabo waafaqsan sharciga.
Maalmihihii dambe ayaa waxaa shacabka Garoowe ay ka cabanayeen kooxo xilliyada habeenkii ah dhac ka geysta xaafadaha magaaladaasi.