Shaqaallaha dowladda qaarkood oo aan Mushaar qaadan 9 Bilood

SHARE

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa waxa uu sheegay in aan wax mushaar ah aysan qaadan mudo sagaal bilood ah shaqaalaha safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay caalamka qaarkood.
Waxa uu sheegay wasiir Cawad in wasaaraddiisa ay ku yartahay qoondada miisaaniyada la siiyay taasna ay keentay in mushaar la’aan ay ku dhacdo shaqaalaha ka shaqeeya safaardaha qaar.
Waxa uu intaa kudaray wasiirka in dhibaatooyinka haysta shaqaalaha safaardaha ay la qabaan shaqaalaha kale ee ka shaqeeya wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.
Hadalka wasiirka arimaha dibadda ayaa waxa uu kusoo adayaa xili Madaxda dowladda ay inta badan sheegaan in shaqaalaha kala duwan ee dowladda la siiyay mushaaroodkooda.
Waxa Sidoo kale maalintii shalay ahayd ay ansixiyeen golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya miisaaniyad sanadeedka 2019-ka taaso 23% ka badan miisaniyadda sanadka sii dhamanaya ee 2018-ka.