Nin u dhashay Masar oo Sacuudiga loogu xiray in uu gabar la quraacday

SHARE

Nin u dhashay dalka Masar oo ah soo dhaweeye ka shaqeeya hotel ku yaalla dalka Sacuudiga ayaa dhowaan xabsiga la dhigay ka dib markii baraha bulshada uu soo dhigay fiidiyow isaga oo la quraacanaya gabar ay ka wada shaqeeyaan hotelka .
Ninkaas oo magaciisa lagu sheegay Baahaa ayaa toddobaadki hore lagu xiray magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga . Muuqaalkaas gaaban ayuu ka soo muuqday ninkaas oo ay la quraacaneyso gabdhaas oo xijaaban .
Arrintan ayaa xadgudub ku ah dalka Sacuudiga sharciga u yaalla oo sheegaya in goobaha shaqada iyo maqaayadaha ay lahaadaan meelo kala go’an oo raga iyo dumarka u kala gaar ah .
\Xaaladaas ayey dad badani dhaleeceeyeen waxayna u arkeen in dabeecadani tahay mid aan la socon Karin dhaqanka Sacuudiga .