SUCUUDIGA OO D.FEDERALKA KU QANCIYAY MAALGASHIGA DPWORLD EE BERBERA

SHARE

Wargeyka Indian Ocean ayaa qoray in Boqorka Dalka Sucuudiga uu Ra’isalwasaaraha Soomaaliya kala hadlay in dowladda Federaalka ah ay joojiso cadaadiska ay ku heyso sharikadda DPWorld ee maalgashaneysa Dekadda Berbera.
Kulan labada mas’uul dhexmaray billowgii Bishan kaddib markii Ra’isalwasaaraha Soomaaliya uu booqday Sucuudiga ayaa looga hadlay in dowladda Dhexe ee Soomaaliya aysan culeys saarin maalgashiga DPWorld ee Dekadda Berbera.
Wargeyska Indian Ocean oo xiganaya ilo uusan magacaabin ayaa sheegay in Boqor Salmaan uu Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre u ballan qaaday in dowladda Sucuudiga ay bixineyso qeyb ka mid ah mushaarka joogtada ah ee Askarta dowladda dhexe.
Taas oo Dowladda Federaalka ah ay ku baddelaneyso in aysan faragelin doodaha sharciga ahna ka joojiso DPWorld.
Intii uu kulankaas dhexmarayay Boqor Salmaan iyo Xasan Cali Kheyre ayaa Wasiirka arrimaha dibadda ee Maamulka Somaliland iyo Madaxa sharikad lagu magacaabo Shafa Al Nahdah, oo ku guuleysatay qandaraaska ballaarinta Dekadda Berbera waxaa ay heshiis ku saxiixdeen Magaalada Berbera.
Heshiiskaas waxaa uu dhacay 12koo Bishan October, waxaana uu ku kacayaa $101Milyan oo doollarka Mareykanka ah.
Dowladda Federaalka ah ayaa dhowr jeer sharci darro ku tilmaantay heshiiska ay DPWorld kula wareegtay Dekadda Magaalada Berbera inkasta oo sharikadda laga leeyahay Imaaraadka iska dhega tirtay go’aannada adag ee dowladda Federaalka ah ka qaadatay haddana waxaa ay sii waddaa maalgashiga dekadda Berbera.
Ma jirto ilo ka madaxbanaan wargeyska oo xaqiijiyay in Dowladda Sucuudiga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku qancisay in ay oggolaato DPWorld.