YUUSUF DABAGEED OO SHAQO JOOJIN KU SAMEEYAY XUBNO KA MID AH MAAMULKA BELEDWEYNE

SHARE

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa waxaa uu shaqo joojin ku sameeyay xubno ka mid ah maamulka Degmada Beledweyne ee Xarunta Gobolka.
Mas’uuliyiinta shaqada laga joojiyay oo gaaraya saddex xubnood ahaa kala ah duqa degmada,Agaasimaha Waaxda dhul bixinta iyo xoghayaha dowladda hoose.
Warqad ka soo baxday Xafiiska Yuusuf Dabageed lana ogeysiiyay Wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabelle ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiintaas ay dhul sharci darro ah bixiyeen sidoo kalena lunsadeen Hanti dadweyne.