Wariye C/Risaaq Qoslaaye Oo Ku Geeriyooday Muqdisho

SHARE

 

Allaha unaxariistee waxaa SaakaY Geeriyooday Wariye C/risaaq Aadan Qaasim Qoslaaye oo ka mid ahaa Wariyeyaasha ka howlgala gudaha magaalada Muqdisho.
Marxuum C/risaaq Qoslaaye ayaa xalay waxaa ku soo booday xanuun degdeg ah, kaas oo lala cararay Isbitaalka Digfeer oo uu ku Geeriyooday aroortii hore ee saaka.
Geerida Wariyaha waxaa Galmudug tv u xaqiijiyay Daahir C/risaaq Aadan Qoslaaye oo ah Curadka Marxuumka.
C/risaaq Aadan Qaasim Qoslaaye ayaa haatan ka howlgalayay Television-ka Kalsan, gaar ahaan xaruntiisa Muqdisho.
Sidoo kale Marxuumka waxa uu horay uga soo shaqeeyay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho iyo TV.yada Somalia chanel Somnews ee muqdisho iyo sidoo kale idaacadda Warsan ee Magalada Baydhabo
Innaa Lilaahi Waa Innaa Ileyhi Raajicuun.