Home MAQAALO Hogaamiyah a mucaradka Kenya Raila Odinga oo ka hor yimid...

Hogaamiyah a mucaradka Kenya Raila Odinga oo ka hor yimid Mushaar kordhin loo sameeyo Barlamaanka Kenya

15
0

Hogaamiyaha Mucaaradka ee dalka Kenya Raila Odinga ayaa waxaa uu dhaleeceyay Xubnaha Barlamaanka dadaalada ay ku doonayaan in la kordhiyo mushaaraadka ay qaataan.

War saxaafadeed ka soo baxay axada maanta ah xafiiska Mr Odinga ayaa waxaa lagu sheegay in kenya oo wajahayeso dhibaato dhaqaale xiligan,hadii la kordhiyo mushaarka xildhibaanada ay kaga sii dareyso xaalada dhaqaale.

Hadalka Mr Odinga ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo shaqaalaha rayidka ah ee kenya gaar ahaan macalimiinta iyo dhaqaatiirta ay dalbanayaan in mushaarka loo kordhiyo.

Raila ayaa ka codsay in shaqaalaha rayidka ah ay aqbalaan caqabadan uu dalka ku jiro una dulqaataan waqtiga badan oo ay shaqeynayaan.

Hogaamiyaha Mucaaradka Kenya ayaa xubnaha barlamaanka ka codsaday in ay qadariyaan dhaqaale xumada iyo deymaha lagu leeyahay,taasi oo hadii aysan ka fiirsan hoos u dhigi karta kobaca dhaqaalaha.

Warsaxaafadeedka hogaamiyaha Mucaaradka Kenya ayaa waxaa ku ssaxiixnaa afhayeenkiisa Mr Dennis Onyango.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here