SAFIIRKA SUDAN EE SOOMAALIYA OO WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA KU WAREEJIYAY WARQADAHA AQOONSIGA.  

SHARE

 

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Axmed Kheyr ayaa maanta oo Axad Gudoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub Suudaan ee Soomaaliya Khalafallah Mustafa Babakar Cabdullahi.

Kulankaan oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxa ay labada dhinac kawada hadleen Xoojinta Xiriirka Soo jireynka ah ee ka dhaxeeya Xukuumadaha Muqdisho iyo Khartuum.

Kheyr ayaa Khalafallah ka dalbaday in uu u istaago isku xirka Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan, kana shaqeeyo Danaha labada Umadood, maadaama Muqdisho uu ku shaqeyn doono.

Danjire Khalafallah Mustafa Babakar ayaa ballan qaaday in Dowladda Suudaan ee uu wakiilka ugu yahay Soomaaliya ay ka shaqeyn doonto Taageeridda Shacabka iyo Dowladda, Xoojinta Xiriirka iyo Arrimaha Dhinacyada kala duwan ee ka dhaxeeya Labada Dal.

Suudaan waxa ay kamid tahay Dalalka fara ku tiriska ah ee aan joojin Xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya tan iyo bur-burkii.

Waxa ay Soomaaliya inta badan ka taageertay waxbarashada, jaamacadaha Dalkaasi ku yaalla waxaa wax ka bartay Dhalinyaro Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Suudaan u tagay furitaankii iyo Xiritaankii Gogoashii lagu heshiisiinayay Dowladda iyo Mucaaradka Koofurta Suudaan, waxa ay sheegeen in la xoojinayo Xiriirka Labada Dal.