Gudoomiye Mursal iyo Xildhibaano qaar oo kulamo Yeeshay.iyadoo Kulanka Golaha shacabka oo maanta markale Baaqday.

SHARE

Tan iyo markii Guddomiyaha Ku xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey uu soo saaray Warqada uu sheegay in uu ku kala diray Guddiga Maaliyada Golaha shacabka ayaa waxaa jira khilaaf sababay in uusan goluhu wax kulan ah yeelan.

Khilaafka  uu Golaha shacabka la shiri la’yahay ayaa waxaa uu salka ku haya sharci ahaanshaha kala dirida Guddiga Maaliyada oo kulankii ugu dambeeye Ee uu golaha shacabka uu yeeshay soo gudbiyay warbixin maaliyadeed oo ay ku sheegayaan in ay jirto masuq maasuq  ay gashay xukuumada,islamarkaasna Warbixintaas guddonka kulankii ugu dambeeyay uu ku laalay.

Xalay ilaa manta waxaa jira kulamo gooni gooni ah oo lagu xalinayo khilaafka  golaha shacabka uu la shaqeen la’yahay ee sababay in kulankii 4-aad ee golaha shacabka uu baaqdo.

Waxaa magaalada muqdisho  Xalay kulan ku yeeshay qaar kamid ah xubnaha guddiga Maaliyada Ee La kala diray iyo Guddomiyaha golaha shacabka, inkastoo kulankaas waxa kasoo baxay aan lala wadaagi warbaahinta.

Warar hoose  ayaa sheegaya  in kulankaas lagu soo hadal-qaaday sidii loo soo afjari lahaa khilaafka hareeye golaha shacabka Ee Ku aadan arinta kala dirida Guddiga Maaliyaadda ee Baarlamaanka Soomaaliya.

iloWareedyo  kale ayaa tilmaamaya in saacadaha soo aadan la filayo in uu soo baxo go’aan ku aadan Sharci ahaansha  xeerka loo cugsaday guddiga maaliyada ee lagu kala diray iyo sidii loo sii wadi lahaa shaqada golaha shacabka.

Qaar kamid ah Guddiga oo si hoose ula warbaahinta  ayaa waxaa ay u sheegeyn in saacadaha soo aadan uu guddomiyaha golaha shacabka ku dhawaaqi-doono in aysan sharci aheen kala dirida Guddiga,wixii hada ka dambeeyana ay sii wadan doonaan shaqadooda,iyo in kale.