Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha xukumada soomaaliaya oo Sheegtay in Lasoo Gagabeeyey Dhismahii Xarunta Sheybaarka Tayada Biyaha.

SHARE

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Cismaan Libaax Ibraahim oo uu wehliyo agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa maanta kormeer ku tegay  xarunta sheybaarka tayada Biyaha oo dib u dhis lagu sameeyay.

Xarunta Sheybaarka tayada Biyaha oo saameyn ku yeeshay dagaaladii sokeeye iyo marxaladihii adkee ee dalka uu soo maray, ayaa waxaa maalgeliyay mashruucaan Bankiga Horumarinta Afrika oo u soo marsiisay Hay’adda  IOM.

Wasiir Cismaan Libaax Ibraahin ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka go’antahay dar dargelinta hirgelinta Wakaaladda biyaha ee Muqdisho, si bulshada Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda iyo nawaaxigeeda ay u helaan biyo nadiif ah.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in dhawaan dib u dhis lagu saameeyo dhismaha Wakaaladda  biyaha iyo Macahadka tababarada biyaha iyo korontada oo iyagu ka muuqdo Bur-bur xoog leh, waxaana qorshahu yahay in Wasaaradda ay ku shaqeyso.

Marka laga yimaado dhismahan waxaa u dhiman in la qalabeeyo, waxaana qorshaha uu yahay in dhawaan uu xariga ka jaro Ra’isulwasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, waxaana wax badan ay ka tari doontaa dib u howlgelinta Xarunta in bulshda ku nool Caasimadda ay helaan biyo nadiif.