Aqalka Sare oo Maanta kulan xasaasi ah ku leh Magaalada Muqdisho.

SHARE

 

Maanta oo talaado ah ayaa la filayaa in Xubnaha Aqalka Sare ay meel mariyaan hindise sharciyeedka Dhismaha Guddiga La dagaalanka Musuq-maasuqa, iyadoona mudanayaasha Aqalka Sare ay hada kulan ku leeyihiin xaruntooda magaalada Muqdisho.

Golaha Aqalka Sare ayaa horay uga dooday hindise sharciyeedka Dhismaha Guddiga La dagaalanka Musuq-maasuqa.

Xasan Xuseen Xaaji  Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka ayaa kulankii ugu dambeeyay ee  Aqalka Sare ka sheegay in aan la dhisi Karin Guddiga la-dagaalanka musuq maasuqa ilaa laga ansixiyo Sharciga Dhismaha Guddiga Ladagaalanka Musuq-maasuqa.

Lama oga go’aanka ay maanta gaari doonaan Xubnaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.