Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka Warbixiyay Howlgalada ka socda Gobolada Dalka

SHARE

 

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi Indhoqarshe ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay meelo badan oo Dalka ka mid ah ka wadaan dagaalo guulo laga gaaray oo deegaano ay Shacabka ku dhibaateyn jireen Cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Alshabaab lagala wareegay.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamo badan ay Tababaro soo dhamesyteen isla markaana la qalabeeyay isagoo tilmaamay inay u diyaar u yihiin difaaca dadkooda.

Daahir Aadan Cilmi Indhoqarshe ayaa fariin u diray Dhalinyarada la qalday ee ku jira Argagaxisada isagoo ugu baaqay inay ka waantoobaan dhibaatada ay Shacabka ku hayaan.

Ciidamada Xoogga Dalka ayuu kula dardaarmay inay shacabka si dhow ula shaqeeyaan meelaha ay Al shabaab kala wareegaan maadaama ay dhibaato kala kulmaan Nabad diidka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Tilmaamay in nabadiidka Al-shabaab laga xureeyay goobo badan oo ka tirsan gobolada Dalka isagoona sheegay in dhawaan dalka oo dhan laga saari doono, wuxuuna xusay in la kordhiyay tababarada iyo qalabeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.