Tiro dad ah oo ku dhintay dagaallo ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo

SHARE

 

Lix iyo tobban qof ayaa ku dhimatay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo kaddib markii dagaal uu halkaasi ku dhexmaray koox fallaago ah iyo ciidammo.

Dowladda Jahmuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo waxay sheegtay in dadka inta badan dhintay ay u badan yihiin maleeshiyaadka.

Captain Dieudonne Kaserek ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in taliye sare iyo saddex ciidan ah ay ku qarqameen webi halkaasi mara.

Dagaalka ka dhacay degmada Fiz oo ku taalla gobolka koonfurta Kivu wuxuu u dhexeeyay ciidammo dowladda ka tirsan iyo koox mucaarad ah oo daacad u ah taliye hore oo la yirhaado William Amuri Yakutumba, waxayna kasoo horjeedaan dowladda madaxweyne Joseph Kabila.

Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo 23-da bishan Dicember waxaa ka dhaceysaa doorasho, madaxweyne Joseph Kabila ayaa isaga haray doorashada.