Weriye caan ah oo ku dhaawacmay qarax loogu xirey gaarigiisa

SHARE

Agaasimaha idaacada Hiddo Ismaaciil Sheekh Khaliifa kanamid ah weriyaasha caanka ah ee sida weyn looga yaqaan magaalada Muqdisho ayaa ku dhaawacmay waxyaalaha qarxa oo loogu xirey gaarigiisa.
Weriyaha ayaa la sheegay inuu aad u dhiig baxay uuna dhaawaca ka soo gaaray dhabarka waxaana la dhigey isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.
Ismaaciil Sheekh Khaliifa ayaa hore u soo noqday agaasimaha idaacada Star FM waxana uu ka mid ahaa weriyaashii u adkeystey dhibaatooyinka dalka isagoo aanmarna dalka dibada ugaga bixin.