Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Maanta ka qeyb qaatay Mashruuca Isxilqaan

SHARE

Shaqaalaha Xafiiska-Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka ayaa maanta kaqeyb qaatay Mashruuca Isxilqaan oo uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, dhismaha Tiyaatarka ,Matxafka Qaranka iyo Maktabadda Qaranka waxaana Hoggaaminayey Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir.
Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo la hadlay Shaqaalaha ayaa u mahad Celiyay ku xigeenada Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka iyo dhammaan Shaqaalaha kala duwan.
Sidoo kale Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka ayaa u mahad Celiyay howl wadeenada ka socday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumada, wasaarada Shaqada iyo maareeyaha Guud Tiyaatarka Qaranka Dadaalkooda ku aadan fulinta Howlaha ka socda oo lagu dhisayo Xaruumaha Dowladda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaadkii bishii Luuliyo ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan isku xirnaan oo ay u istaagaan dib u dhiska dalka, waxa uuna ku dhawaaqay Ololaha Isxilqaan oo la doonayo in dib loogu dhiso goobaha danta guud, laguna hormariyo wadanka.