Qarax ka dhacay Gobalka Hiiraan

SHARE

 

-Wararka naga soo gaaraya Degmada Buulo Burde ee Gobolka hiiraan ayaa waxaa aysheegayaan in qarax khasaaro geystay uu ka dhacay degmadaasi.

Qaraxaan ayaa lagu soo waramayaa in uu ahaa mid lagu aasay goobta lagu kala qaato qaadka ama jaadka ee  degmada Buulo Burde ee Gobalka Hiiraan.

Wararka aan  heleyno  ayaa  sheegaya  in khasaaro lixaad leh uu ka dhashay qaraxa maanta ka dhacay Degmada Buulo Burde ee Gobalka Hiiraan.

Labo ayaa la sheegayin ay ku dhaawacmeen qaraxa maanta ka dhacay Degmada Buulo Burde ee Gobalka Hiiraan, balse lama sheegin tiro kale ee ku dhimatay qaraxaasi.

Degmada Buula Burde ayaa xiligan waxaa ku sugan  ciidamo isugu jira Soomaali iyo kuwa Jabuuti, kuwaasi oo dhowr jeer qarax miino lagula eegtay wadada aada ee Garoonka diyaaradaha ee Degmada Buulo Burde ee Gobalka Hiiraan.