Gudoomiye Mursal oo maanta furay Kulanka Golaha Shacabka.

SHARE

Wararka laga helayo Xarunta Golaha shacabka ayaa sheegaya in Daqiiqado ka hor uu furmay kulanka Golaha Shacabka ee baarlamaanka soomaaliya.

Kulanka waxaa soo xaadiray 152 Mudane , waxaana  shir guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Ajendaha kulanka ayaa ah hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka, aqrinta iyo ka doodista miisaaniyadda dowladda 2019.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed  Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa shir guddoominaya kulanka 31-aad ee Golaha Shacabka.

Dood iyo muran dheer oo taagnaa mudo hal bil ah ayaa maanta si rasmi ah uu u furmay kulanka Golaha shacabka, kadib markii uu hakad  galay Kalfahdiga Baarlamaanka, Taasi oo sabab u aheyd markii mooshin laga gudbiyay Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo