Madaxweynaha Dowlad Goboledka Galmudug Oo ku baaqay Joojinta dirirta ka socota deegaanka kaxandhaale

SHARE

Madaxweynaha Dowlad Goboledka Galmudug Oo warbaahinta Kula hadlay Caasimada Dowlada galmudug Ee dhuusamareeb ayaa ku baaqay Joojinta dirirta ka socota deegaanka kaxandhaale

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in dagaallada iyo colaadaha soo noqnoqday looga gudbi karo in dadka walaalaha ah ee dagaalamaya ay xalka xeelad ku raadiyaan halkii ay xabad adeegsan lahaayeen, ayna Allaah waydiistaan dambi dhaaf, islamarkaana ay ku wada noolaadaa deris wanaag,Is -ogol iyo isku-tanaasul.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan baaq wadajireed u jeediyo dadka Soomaaliyeed ee dhiiggoodu uu ku daadinayo Deegaanada  Kaxandhaale. Waxaan leeyahay xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo. Dagaal wiil kuma dhashee, wiil baa ku dhinta. Waxa dhimanaayo dad xidid iyo xigaala ah. Reer Galmudug waxa looga baahanyahay mar walba iney u hiiliyaa nabadda, deris wanaaga iyo wada noolashaha.”.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadweynaha,