Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo lagu dilay magaalada Muqdisho

SHARE

 

Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo lagu magacaabayay Cabdi Maxamed Culusow ayaa saaka lagu dilay xaafad ka tirsan degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Kooxo hubeysan ayaa Sarkaalka ku dilay xaafad ku dhow Saldhiga Booliska degmada Waaberi, iyadoo ka baxsaday goobta.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka oo goobta gaaray ay ku guuldareysteen inay gacanta ku soo dhigaan raggii dilka geystay.

Sarkaalkan ayaa horay uga qeyb qaatay howlgaladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee Muqdisho qeybo ka mid ah looga saaray.

Sawirro uu horay lagu daabacay barta Facebook ayaa muujinayay inuu mar ka mid ahaa dad u tartamayay xilka Guddoomiyaha degmada Waaberi, isagoo olole u galay sidii xilkaas loogu magacaabi lahaa.